Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Iminka Sheegtay In Ciidamadii Ka Goostay Somaliland Ay Ahaayeen Wax Matarayaal
Wasiirka caddaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax, ayaa sheegay in ciidamadii dhawaan ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland ay ahaayeen wax matarayaal ku raagay deegaamadaasi.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Calanka Somaliland laga dejin magaalo keliya oo ku taalla bariga Sanaag , calanka la
dejiyayna lagu sameeyay Macmal (Photo Shop).
Wasiirka ayaan waydiiyay sababta markasta oo ciidamo ka goostaan loogu tilmaamo waxmatarayaal?
Wasiirka ayaa sheegay in aanay jirin ciidamo tiro iyo muhiimad leh oo mar keliya k goostay Somaliland