Ankara(Qoryaalenews)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara ayna dib uga laaban doonin weerarka ay ku qaaday maleeshiyada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya sababo la xidhiidha dhaleeceyn kaga imaaneysa dowlada Kale.
Mr Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu qudbad ka jeedinayay shirka ganacsiga ee ka socda magaalada caasimada ah ee Baku ee wadanka Azerbaijan isniintii shalay.
Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Millatariga illaa laga adkaanayo kooxaha Argagixisada ee ku sugan Suuriya.
Ma qabno wax dareen ah iyo hanjabaad aan la kulmeyno waana sii wadi doonaa howsha aan bilownay illaa inta aan dhammeyneyno.