Ciidamada Suuriya ayaa si dhaqso ah ugu dhaqaaqay magaalooyinka iyo Tuulooyinka ku yaala waqooyi bari ee dalka Suuriya iyaga oo isku diyaarinaya dagaal ay kaga hortagayaan Ciidamada uu Turkigu hogaaminayo
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegaysa in Ciidamada Suuriya oo Ruushku tagaeero ay gudaha u galeen magaalada Manbij,waxaana talaabadaani ay qayb ka tahay heshiiskii ay la galeen xoogagga ay Kurdiyiintu hogaamiyaan isla markaana horey Mareykanka gacan uga heli jiray .
Sidoo kale warbaahinta Dowladda Suuriya ayaa ku warameysa in magaalada Manbij oo ay galeen ciidamada Suuriya ay tahay halka dowladda Turkigu ay dooneyso in ay ka dhigto aag nabdoon lagana nadiifiyo dagaalyahannada Kurdiyiinta .
Ciidamada ayaa horey u gaaray magaalooyinka Tal- Tamer iyo Caynu Ciisaee waqooyi bari Suuriya halkaas oo dadka deegaanku ay dabaal degyo ku soo dhaweyeen ciidamada .
Khatarta dib u soo kabashada
Dagaallamayaasha SDF ayaa qaybta ugu weyn ku lahaa in la jabiyo IS. Ciidamada cirka Mareykanka iyo Kooxa Shiica ah oo gacan saar la leh Iran ayaa door aan yareeyn iyaguna ku lahaa dagaalki muddo shan sana ah lagula jiray Daacish oo ka socday Waqooyiga Suuriya iyo Ciraaq.
Kooxaha Jihaad doonka ah awooddoodi waa la wiiqay xoogga ay lahaayeen iyo dhulki ay gacanta ku hayeenba waa laga qabsaday maleeshiyaadkoodi ugu badnaana xabsiyada ayey ku jiraan.
Hase yeeshee, waxay weli ka sii jiraan oo ay dagaalo ka wadaan qaybo ka mid ah dalalka Soomaaliya, yemen, galbeedka Afrika iyo deegaanno ay qabiishu ku xooggan yihiin oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya.