Masuuliyiintii Ugu Badnayd Ee Ka Tirsan Xukumada Madaxweyne Biixi Oo Guryo Ka Dhistay Dalka Turkiga.

0
351

Muwaadin Axmed Maxamed oo ka mid ah Dhalinta wax baratay ee sida shaqsiga noloshooda ku dabara Ganacsiyadda Gaarka loo leeyahay islamarkaana safar iyo xidhiidho ganacsi la leh Dalka Turkiga ayaa arin cajiib ah ku soo arkay Turkiga.

 

Qarool uu Facebookga soo dhigay oo uu arintaasi kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi

“Waxyaalaha maskaxdayda hal xidhaalaha ku noqday waxa kamida masuul cashuurtii dadka laga ururiyay ee Biyo, Wado, Caafimaad, Iskuulo iyo baahiyaha kale ee bulshada wax lagaga qaban lahaa ka xaday oo meel dhigtay, ka dibna markii dalkii bilaa School hagaagsan, bilaa Jaamacad tayo leh, bilaa Biyo, iyo bilaa Wado noqday intuu halkan Turkey guryo ka iibsaday caruurtiisiina u soo raray si caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo nolosha wanaagsan ee dadkani samaysteen ay ugula dhuuqaan igayoo yasan oo lagu odhanayo, dalkiinii maxaa idinka keenay? goormaad ku noqonaysaan? ka dibna intuu dalkii uu sidaa u kadab gooyey ku noqdo odhanaya, ‘Dalkeena Nincaa fadhida’ haday nimco fadhido, maxaad caruurtaada ugala qaxday?.

Waxa igaga sii yaab badan kuwa gaajoonaya ee aan Bus iska bixin karin ee ninkaa waxoodii ku tagri falay hadduu Naarta ii gala yidhaa ogol.

Inta ugu badan masuuliyiinta xilka kuu haya iyo kuwii ka horeeyay halkan Turkey ayay iyaga iyo qoysaskooduba dagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here