Maraykanka Oo 5 Million Dollar Ku Raadinaya Mid Ka Mid Ah Hoggaamiyeyaasha Daacish.

0
398

 Dawladda Maraykanka ayaa 5 Million oo Dollar u ballan-qaadday Cidda keenta Xog lagu qaban karo Madaxa Kooxda Daacish ee ka dhaqdhaqaaqda Saharaha Afrika, kooxdaasi oo sheegatay Masuuliyadda jid-goyn lagu laayey Afar Askarta Maraykanka ah oo ku sugnaa Niger, laba sanadood ka hor.

Adnan Abu Walid Al Sahrawi oo ah Madaxda Kooxda la baxday dawladda Islaamka ama Daacish, qaybteeda dhulka yaqaano Saharaha weyn ayaa lagu xidhiidhiyey weerar 4-tii October, 2017 lagu qaaday Ciidamo Nigerian iyo Maraykan ah oo hawl-gal ka waday duleedka tuulada Tongo Tongo, kuwaasi oo inta jidka loo galay laga dilay Afar ka mid ah Ciidammadii Maraykanka, halka Afar Ciidammada Nigeria ahna isla jid-gooyadaa lagu dilay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegaysa in 5 Million lagu abaal-marinayo Cidda keenta Xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay Abu Walid, sida lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here