Wasaaradda Duulista & Hawada Somalia oo ka laabatay heshiis ay horay ula gashay Shan shirkadood Waa Maxay sababtu?

0
461
Wasaaradda Duulista & Hawada Somalia oo ka laabatay heshiis ay horay ula gashay Shan shirkadood Waa Maxay sababtu? Qoraal ka soo baxay Dowladda Somalia gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu kanoqotay heshiis ay horay ula gashay illaa shan shirkadood, kuwaasoo heshiis lagula galay hubinta iyo illaalinta badqabka gaadiidka.

Heshiiskan oo aan horay u shaacin Wasaaradda ayaa qoraal ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa lagu sheegay in lagala noqday heshiisyadii tijaabada ahaa ee lala galay shirkadaha (M.T.O Kalaawito)
Shirkadaha lagala laabtay heshiiska ayaa waxay kala yihiin General Motors, Balqiisa General, Sawaasiya General, Barwaaqo General iyo Gaagaale General.
Halkan Hoose ka akhri Nuxurka Warqadda kazoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here