Laba Weerar Oo Loo Adeegsaday Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ayaa Lala Beegsaday Xarumo Lagu Kaydiyo Shiidaalka Oo Ku Yaala Dalka Sucuudiga.

0
375
Laba Weerar Oo Loo Adeegsaday Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ayaa Lala Beegsaday Xarumo Lagu Kaydiyo Shiidaalka Oo ay Leedahay Shirkadda soo saarta Shidaalka Sacuudiga Ee Aramco. Kuwaasi Oo Kuyaalla Magaalo Lagu Magacaabo Baqiiq Oo Ku Taalla Bariga Sacuudiga Agagaarka Magaalo Xeebeedka Damaam. Qaraxyo Waawayn, Holaca Dabka Iyo Dhawaqa Rasaas Badan Ayaa Laga Maqlayay Goobaha Weeraradu Ka Dhaceen Waxana La Rumaysanyahay Inuu Ka Dhashay Khasaare Balaadhan Oo Weeraradan Diyaaraduhu Gaysteen Gaadhsiiyeen Goobahan Kaydka Shidaalka ee Shirkadda Aramco.

Balse Saraakiil U Hadlay Laamaha Amniga Iyo Madaxda Aramco Ayaa Sheegay Inay Xakameeyeen Dab Baaxad Leh Oo Ka Dhashay Qaraxyada Lala Beegsaday Goobahan, Waxayna Ku Tilmaameen Inuu Ahaa Weerar Argagixiso Oo Ay Fuliyeen Laba Diyaaradaha Aan Cid wadin ahi Kuwaasi Oo Goor Salaadkii Subax Ku Beegan Lala Beegsaday Laba Xarumood Oo Laga Qodo Laguna Kaydiyo Shiidaalka Naftada. 
 Sida Caadada Ah Kooxaha Xuutiyiinta Ee Ka Dagaalama Dalka Yaman Ayaa Weeraro Taxane ah Si Maalinle ah Uga Gaysta Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Ah Hogaanka Xulufada Carabta Ee Dagaalka Kula Jira Xuutiyiinta Yaman, Waxana Weerarkani Noqonayaa Kii Sadexaad Ee Sanad Gudihii Ay Ku Weeraraan Xuutiyiintu Halbowlayaasha Dhaqaalaha Sacuudiga Laf Dhabarka U Ah sida Dhuumaha Shidaalka Qaada Iyo Goobaha Lagu Kaydiyo Waxana Ay Hore weeraro Kan La Mid ah Oo Ay Diyaaradaha Dorooniska U Adeegsadeen Ugu Gaysteen Dhuumaha Shiidaalka Qaada Ee isku Xidha Bariga Iyo Galbeedka Sacuudiga, 
Goobta Ugu Wayn Ee Shiidaalka Sacuudiga Laga Soo Saaro Ee SHAYBA Iyo Albaqiiq Oo Ah Iyana Weerarkan Xalay Ay Burbur Xoogan Ugu Gaysteen. Sacuudiga Ayaa U Muuqda Mid aan Mahadin Oo Faraha Kaga Gubtay Dagaalkii Uu Hogaaminayay ee Uu Ku Qaaday Dalka Ay Jaarka Yihiin Ee Yaman Kaasi Oo Hadda Uu La Yahay Dariiq Uu uga Baxo Ama Iskaga Caabiyo Awooda Kooxaha Xuutiyiinta Oo U Muuqata Mid Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Sii Horu Maraysa Taasi Oo Sababta In Inta Badan Madaarada Magaalooyinka Waawayn Ee Ku Yaala Koonfurta Sacuudigu Si Todobaadla ah Ula Kulmaan Weeraro Isugu Jira Gantaalo Iyo Dayaarado Qarax wada Oo Xuutiyiintu La Beegsadaan. 
 Dahir Suldan /Riyad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here