Boqor-buur Madow Oo Kulan La Qaatay Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xukuumada Oo Sas Ka Qaaday +Dalab Madaxweyne Muuse Hor Dhigay Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Axmed Cabdi Dheere

0
420
Boqor-buur Madow Oo Kulan La Qaatay Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Xukuumada Oo Sas Ka Qaaday +Dalab Madaxweyne Muuse Hor Dhigay Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Axmed Cabdi Dheere Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Kulan La Qaatay Boqor Cismaan Buur-madow,Kulankan Gudoomiyuhu La Qaatay Boqorka Waxaa Ku Wehelinayey Xubno Ka Tirsan Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga UCID

Kulanka Dhexmaray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Cismaan Buur-madow,Ayaa Werwer Iyo Walaac Ku Abuuray Xukuumada Somaliland Iyo Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE,kUWAAS Oo Sas Ka Qaaday Waxa Uu Ku Saabsana Kulankaasi,Maadama Uu Ahaa Mid Qarsoodi Ah Isla Markaana Aan Xogtiisa Rasmiga Ah La Hayn
Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Ayaa Kulankaasi Ku Micneeyey Olole Hordhaca Oo Uu Wado EX Wasiir Maxamuud Xaashi Taas Oo Uu Ku Doonaayo Xisbiga KULMIYE,Isla Markaana Laga Cabsi Qabo Inuu Xisbiga U Kala Jabiyo Laba Garab Halka Xisbiga UCIDNA Ay Soo Noolaatay Rajadiisu,Oo Uu Dhankiisa Doonaayo Inuu Xisbiga UCID Ku Wareejiyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Siweyn Uga Cadhooday Dhaq-dhaqaaqa Siyaasadeed Ee Ka Curtay Xisbiga KULMIYE,Waxaanu Kulan Degdega La Qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Gudoomiye Ku Xieenka Labaad Ee Xisbigaasi Axmed Cabdi Dheere,Waxaanu Labadaas Masuul Kala Hadlay Sidii Ay Uga Hortagi Lahaayeen Dhaq-dhaqaaqa Siyaasadeed Ee Ku Saabsan Damaca Siyaasi Maxamuud Xaashi Ku Doonaayo Kursiga Ugu Sareeya Dalka 
Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Isagu Weli Xasuusan Mucaaradadii Adkayd Ee Uu Kala Horyimi Xukuumadii Madaxweyne Muuse Kadib Markii Uu Doonaayey Jagada Murashax Ee Xisbiga KULMIYE,Waxaanu Ka Cabsi Qaba Taa Bedelkeeda Inuu La Kulmo Siyaasad Boqna Goysa Oo Ka Wajahda Siyaasi Maxamuud Xaashi,Balse Waxaa Laga Dhur Sugayaa Qaabka Ay Hogaanka Xisbiga KULMIYE U Wajahaan Dalabka Madaxweyne Muuse Ee Uu Ku Dalbaday Inay Ka Hortagaan Dhaq-dhaqaaqa Siyaasi Ee Uu Wado EX Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi
Burcoonline.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here