Dedaalo Lagu Cidhib-Tiraayo Colaadii Beelaha Wada Dega Konfurta Gobolka SOOL Oo Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Magaalada Laascanood Iyo Natiijada Ka Dhalatay Gobolka SOOL Waxaa Ka Socda Dadaalo Lagu Cidhib Tiraayo Colaad In Mudo Ah U Dhaxaysay Laba Beelood Oo Wada Dega Koonfurta Gobolka SOOL,Coladaasi Oo Dhiig Badani Ku Daatay Ayaa Hada U Muuqata In La Helay Furihii Nabada,
Odayaasha Beesha Bahakhayr oo kulan iskugu yimid ayaa ka hadlay halka ay marayso nabad-galyada Koonfurta Gobolka SOOL,Waxaanay Sheegen Inay Meel Uga Soo Wada Jeesanayaan Cid Kasta Oo Carqaladaysa Nabad Gelyada Deeganadaasi,
Weftidan Odayaasha Ah Ayaa Waxaa Wehelinaaya Xubno Ka Socda Xukuumada Somaliland Maamulka Gobolka SOOL Iyo Sido Kale Taliyayaasha Ciidamada Aagaasi,Waxaanay Masuuliyiintan Ka Socda Xukuumadu Wacad Ku Mareen Inay Gacan Bira Ku Qabanayaan Cid Kasta Oo Ka Xun Nabad Gelyada Beelaha Wada Dega Deegaanada Koonfurta Gobolka SOOL,Sidoo Kale Waxay Fariin Adag U Direen Qaswadayaal Kasoo Jeeda Maamulka Puntland Oo Iyagu In Badan Dabada Ka Riixaayey Coladaasi
Bulshada Kunool Deeganadaasi Ayaa U Muuqda Kuwa Kasoo Kabanaya Colaada,Maadama Oo Deegaano Ka Tirsan Gobolkaasi Ay Ka Dhacen Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay,