Xiingalool(Qoryaalenews)-Saraakiil ka mid ah Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.


Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa gelinkii hore ee Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.


Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay oo watay Ciidamo badan oo Ilaalo ah, ayaa waxa degmada Xiin-galool waxa ku soo dhaweeyay Dadweynaha degmadaa qaarkood iyo Ardayda Dugsiyada.

Taliyaha Iyo masuuliyiin kale ee la socday oo maalmihii ugu dameeyey safar ku marayey gobolka Sanaag, ayaa u kuur galayey xaaladaha amni ee gobolka iyo kormeerida Ciidamo kasoo goostay Somaliland.


Laakiin, Safarka Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland ku marayo deegaannada Bariga Gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ay aad u kacsan tahay.