Arrin Aan Kaftan Galin Oo Uu Ku Sheegay Diyaaradda Kenya Airways Dhexdeeda Ayuu Xabsi U Galay Nikan

0
398

Nin u dhashay dalka Itoobiya oo ku sugan Kenya ayaa lagu riday xukun 4 bilood oo xarig ah, ka dib markii uu si kaftan ah magaca Bambo ugu dhex sheegay rakaabka diyaaradda Kenya Airways.

Ninkaas ayaa ka mid ahaa dad la socday duullimaadka diyaaradda, sida ay soo ogaatay BBC-da.

Kaftanka uu sameeyay Chifraye Bekele ayaa sabab u noqday in la hakiyo duullimaadkii diyaaradda oo markaas ku wajahnaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Arrintaas oo dhacaday bishii Abriil ee sanadkan ayaa sidoo kale sababtay in muddo 3 saacadood ah la xiro garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

 

Garsoore Christine Njagi oo maxkamadda ninkan la horgeeyay fadhisay ayaa ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu halis galiyay amniga diyaaradda iyo rakaabkaba.

Warqadaha lagu xusay xukunkiisa, oo nuqullo kamid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa muujinaya in Bekele uu gabar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda oo boorsadiisa xareyneysa ku yiri “maxaad u baqeysaa, ma waxaad u maleyneysaa inay bamboo ku jirto?”.

Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa markaas ka dib la tashatay shaqaalihii kale, waxayna wargaliyeen kabtankii diyaaradda, kaasoo go’aan ku gaaray in la baaro guud ahaan diyaaradda.

Rakaabkii oo idil ayaa ku khasbanaaday inay alaabtooda dib u hubiyaan.

Bekele ayaa xabsiga ku jiray ilaa markaas.

Isagoo maxkamadda ka hadlaya, oo laga turjumaanayay ayuu sheegay inuu kaftankaas ku sheegay luuqadda Axmaariga.

Garsoorka maxkamadda ayaa ku xukumay 4 bilood oo xabsi ama inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $1000 doolar.

Maadaama uusan hadda iska bixin karin lacagta, wuxuu kusii jiri doonaa xabsiga.

Sanadkii 2013-kii, nin rakaab ah ayaa waqti kooban lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada New York, ka dib markii uu ku kaftamay Bambo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here