Halkay Ku Dambaysay Idaacaddii Waynayd Ee Dawladda Somaliland Lahayd?

0
420

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu u warramayey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo kulan kula yeeshay Xarunta Golaha ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Idaacadii weyneyd ee dalka oo muddo cilladeysneyd waxaanu yidhi, “Markii xilka la ii magacaabay waxay fadhiyey Idaacadii weyneyd ee Somaliland iyo Tv-gii dalka gudihiisa laga daawan jiray, waxaanan Wasaaradda tegay iyada oo ay Idaacadu fadhido laba ilaa saddex bilood, markaa raadco ayaan u galay sidii Qarankan Idaacad loogu heli lahaa”. 

 

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxaanu isku daynay in aanu Warkii Qaranka gaadhsiino Ummadda, markaa Idaacadii Qur’aanka Kariimka oo 24saacadood aheyd ayaanu nidhi na siiya laba saacadood, markaa laba saacadood oo ah Warkii Qaranka JSL ayaa laga sii daayaa Idaacada Qur’aanka Kariimka, sidaasi ayaanay muddo ku socotay oo Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa FM-ta laga dhegaystaa”.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu soo bandhigay Qorshaha uu dalku ku heli lahaa Idaacadii weyneyd, “Dallabkii waa noo diyaar oo Lacagtii waa la noogu shubay, laakiinse xeerinta kale ee ah waqtiga ay qaadanayso cidda kale ee inoogu deeqaysaa waa malla awaal oo ilaa hadda ma hayno rasmigii oo haddii ay dhici weydo waanu dalbanaynaa”. Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.

 

Ugu dambeyntiina, Wasiir Maxamed Muuse Diiriye waxa uu Mudanayaasha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland uu uga warramay qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Warfaafintu iyo qaabka ay u shaqayso, intaasi kadibna Mudaneyaasha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa Wasiirka weydiiyay su’aalo la xidhiidha guud ahaan ba
shaqada Wasaarad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here