“In Aanu Ku Dadaalo Hagaajinta Tayada Waxbarashada Ee Dalka Waa Waajibkayga”

0
495

“In Aanu Ku Dadaalo Hagaajinta Tayada Waxbarashada Ee Dalka Waa Waajibkayga”Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed, ayaa ka hadlay Dugsiyada Waxbarashada Dawladda iyo Dugsiyada Waxbarashada gaarka loo leeyahay, waxaanu tilmaamay inay dhammaantood ay wada hoos yimaadan Wasaaradda Waxbarashada, waxaanu xusay inay manaahijta Waxbarashada hagaajinayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokar Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee dhawaan lagu dhawaaqay natiijadii, guud ahaan Dugsiyadu aad bay u fiicnaayeen, Ardayduna natiijo wanaagsan bay keeneen, Xukuumad ahaana waxaa naga go’an in aanu hagaajino manaahijta Waxbarashada dalka, si ay inoogu soo baxaan Arday aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba dhisan, guud ahaan Dugsiyhada Dawladda iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahayba waxay wada hoos yimaadan Wasaaradda Waxbarashada, markaas in aanu ku dadaalo hagaajinta tayada waxbarashada ee dalka waa waajibkayga”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mar uu ka hadlaayey Dugsiyada ayaa yidhi “Waa tan oo imika Dugsiyadii waa la wada galay, markaas waxaan leeyahay Waalidka ubadkiina ka war haya, oo ogaada hadba heerka ay Waxbarashadoodu marayso, Macalimiintana waxaan leeyahay si daacadnimo ku dheehan tahay ubadka wax ugu dhiga, Maamulkana waxaan leeyahay mar walba ka war haya qaabka Ardayda wax loogu dhigayo, anagu Wasaraad ahaana waanu ka war haynaa oo waanu la soconaa, dhawaana waxaanu tababar loo furi doona Maamulayaasha Dugsiyada”.

Leave a comment

   Tip

   Tip

   Tip

    Tip

   Tip

You have 350 characters remaining.

 

DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
HALKA KA DAAWO: MUUQAALO GAROONKA CUSUB EE CAWAYSKA CAYNABA EE LAGA HIRGALIYEY MAGAALADA CAYNABA
QAABKII MADAXWEYNE MUUSE BIIXI LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA GUINEA
HALKAN KA DAAWO:MA U BAAHAN TAHAY DHISMAYAAL KIRO AH OO KU YAALA MAGAALADA BURCO
HALKAN KA DAAWO:-QISO CAJIIBA:-SIDEE BUU KU XUSHAY LAMAANIHIISA PROFF CABDILAAHI MAXAMED DUCAALE GABAYDHE OO AH NIN ARAGA IYO GACMAHA NAAFO KA AH
HALKAN KA DAAWO:MUUQAALO LAGA DUUBAY GOOBAHA UGU QURUXDA BADAN SOMALILAND EE WADO LA,AANTU GODOOMISAY
HALKAN KA DAAWO: HEES KOOXDA DAYAX BAND UU QAADAY MADAXWEYNE MUSE BIIXI IYAGO KU SHEEGAY INAANAY XUKUMMADIISO SOO DHAAFIN HARGEISA
DAAWO: QAABKI LOOGU SOO DHOWEEYAY CAASIMADA HARGEISAWEFTIGI UU HOGAAMINAYAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA DALKA ERITERIA
HALKAN KA DAAWO:,”TAARIIKHDA SOMALILAND WAA MARKII UGU HORAYSAY EE LA HELO TARTAN XOR IYO XALAALA”BARNAAMIJKA KOOB SADAY WAXQABADKA GUDIDA QANDARAASYADA QARANKA SOMALILAND
XIDIGAHA GEESKA OO HEES CUSUB UQAADAY XISBAG KULMIYE 2019
WAREYSIYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here