Nuxurka Su’aal uu Xoghayaha Xisbiga WADDANI la Wadaagay Bulshada iyo Jawaabta ka soo Baxday
Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi qoraal kooban oo uu ku faafiyey facebook-giisa, waxa uu bulshada weydiiyey su’aal ah; Dowladda Sucuudigu ma leedahay Wasiir u qaabilsan Afrika? Waxa kaloo uu innaga codsaday bal in arrintaas laga baadho google-ka, isagoo xusay in wax kasta ama wixii la doono loo sheego bulshada, sababtoo ah ayuu yidhi; “waxba weynaan baadhin.”