Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Cilmi {Bidhi} Oo Bartiisa Facebook Ku Bogaadiyay Shirkada Ku Guulaysatay Dayactirka Biriishyada Burco

0
530

Burco (QoryaaleNews) Ka Dib Markii Ay Maanta Shaaciyeen Gudida Qandaraasyada Qaranku Cidii Ku Guulaysatay Loolankiii Shirkaduhu Ugu Jireen Dayactirka Qaar Kamida Biriijyada Waawayn Ee Magaalada Burco Shirkadii Ku Guulaysatay 

Shirkadaas Oo Ahayd HIRAD CONSTURCTION COMPANY Ayaa Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Ah Xildhibaanka Kaliya Ee An Habeen Ka Gam In Horumarka Magaalada Burco , Waxa Uu Bogaadiyay Shirkadaas Ku Guulaysatay Dayactirka Biriijyada Burco Isagoo Sheegay Inuu Kalsooni Buuxda Uu Ku Qabo Inay Ka Soo Bixi Karto Hawshaas Loo Igmaday 

 

“Waxaan ku faraxsan nahay kuna Hambalyeynaynaa Shirkada HIRAD CONSTRUCTION COMPANY oo ku Guuleysatay Tartankii loo galay Dayactirka Labada Biriij ee Burco oo ay ku Bixi doonto Lacag dhan $530.000. Waxaan iyagana Hanbalyaynayna Guddiida Qandarasyada Qaranka Somaliland oo Si Cadaalad iyo sinan ah Mashruucaas iyo kuwa kale Dalkaba ugu tartan siisey cadalad . Shirkadihii soo Xaraystey Mashruucas Waxaa Dayactirka labada biriish china Birish iyo Deero Biriiish ku Guuleystey Shirkada Hirad Construction Company oo Ingineer Farax Xusen Axmed ka yahay Ingineer ah ninka dhiisay Deero Biirish Burco iyo Dayactirna ku sameeyay China Biriish Burco Waxaa mudan oo u mahadnaqayna oo la aanti anay sura galen in La dayactiiro Biriishyada Burco Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi oo lacagta Bixiyay” Ayuu Yidhi Xildhibaanku 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here