Warqaddii 50 Sano Ka Hor La Qoray Ee Hadda Qabsatay Warbaahinta Caalamka

0
400

Nin kasoo jeeda gobolka An Alaska ee dalka Mareykanka ayaa isagoo qoryaha dabka lagu shito guranaya waxa uu arkay dhalo ay ku jirto farriin la qoray 50 sano ka hor.

Tyler Ivanoff ayey howshiisii hakatay markii uu indhaha saaray farriintan oo ku qorneyd luqadda Ruushka, wuxuuna isla markiiba sawirkeeda soo dhigay boggiisa Facebook-ga.

Waxaa warqadda ku xusan inuu badmaaxe u dhashay Ruushka qoray taariikhdu markii ay ku beegneyd 20-kii bishii Jun ee sanadkii 1969-kii.

Ninka qoray ayaa markaas ka mid ahaa shaqaalaha markab lagu magacaabi jiray Sulak.

“Waxaan ku khasbanaaday inaan ilkaha ku furo daboolkii lagu soo xiray dhalada, gudaheeda wuu qalalnaa, warqadda ku jirtayna iyadoo qallalan ayaan kasoo saaray”, ayuu yiri Ivanoff.

Qoraalka ku yaalla warqadda ayaa micnihiisa lagu sheegay sidan: “Salaan kal iyo laab ah! Ka socota Markabka Ruushka ee lagu magacaabo VRXF Sulak. Waan ku salaamayaa qofka warqadda helayoow, waxaana kaa codsanayaa inaad jawaab ku soo hagaajisid tilmaanta ah -43 BRXF Sulak, taasoo gaari doonta dhammaan shaqaalaha markabka Sulak. waxaan kuu rajeyneynaa caafimaad iyo cimri dheer oo ay farxad la socoto. 20 June 1969”.

Sheekada ku saabsan warqaddan ayaa cirka isku shareertay markii uu Mr Ivanoff sawirka soo galiyay baraha bulshada.

Warbaahinta Ruushka oo aad u daneysay sheekadan ayaa raadisay ninkii qoray warqadda, kaasoo wali nool.

Khariidad

Waxaa durba la helay ninkii qoray oo lagu magacaabo Kabtan Botsanenko, oo hadda 86 jir ah.

Markii loo sheegay in warqadda dhalada ku jirtay la helay, aad buu u ilmeeyay.

Mr Ivanoff ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inuu aad ugu farxay sheekada weyn ee uu abuuray sawirkii uu soo galiyay Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here