Dadkii Ku Baaba’ay Musiibadii Tanzania Oo La Aasay

0
370
Dadkii aaska ka soo qayb galay.

Shilkan ayaa ka dhacay gobolka Morogoro oo qiyaastii 200 km Galbeedka uga beegan magaalada dekedda leh ee Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee dalkaas.Magaalada Morogoro ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee la sii mariyo badeecooyinka ka soo dega dekadda.“Dad badan ayaa halkaan ku dhintay, xataa kuwo aan xadayn shidaal waayo waa meel aad u mashquul badan,” ayuu yidhi Daniel Ngogo, oo goob jooge ahaa.Taliyaha booliiska gobolkaas Willbrod Mtafungwa ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen darawallo mooto dhug dhuglayda ku shaqaysta.

Sawirro la soo geliyey Online-ka ayaa muujinaya qiiq iyo holac cirka isku shareeray waxaana la arkay maydad halkaas daadsan.Shalay oo Axad ahayd dadka ayaa u baroordiiqay dadkoodii oo kun jiray naxashyo la isugu keenay garoon kubadda cagta ah oo halkaas ku yaal. Qaar ka mid ah eheladii dadkaas dhintay ayaana qaatay maydadkoodii si ay gooni ugu aastaan.

,
Naxashyo

Warfidyeennada ayaa sheegaya in musiibooyin noocaan ah ay ku soo noqnoqdaan qaybo ka mid ah Afrika, halkaas oo dadka qaar ay bareeraan khatar aad u weyn si ay shidaal uga dhurtaan booyadaha iyo tuubooyinka.Bishii horena ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Waqooyiga Nigeria ku yaal ee Benue.

Tanzania map

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here