Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Ka Mid Ah Gobolka Togdheer Iyo Sababta Loo Weeraray

0
446

Burco(Qoryaalenews)-Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

 

Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqon badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee la socday.

Gudoomiyaah deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer oo ka warbixinaya weerarka lagu qaaday badhasaabka ayaa waxa uu yidhi “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka. Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la hadlay hctv.

Sidoo kale mar la waydiiyey sababta ay sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay. “Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here