Madaxweynaha somaliland ayaa digreetadii ugu dambaysay ee uu isku shaandhaynta ku sameeyey xukuumadiisa waxa uu ku xaliyey khilaafyo door ah oo ka dhextaagnaa masuuliyiin ka wada tirsan dawladiisa.

0
382

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sax iyo khaladba la saftay xubno xukuumadiisa ka mid ah ka dib markii uu xilalkii waydaariyey xubnihii ay is hayeen ee dawlada ku jiray.

Image result for madaxweyne Muuse Biixi

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xil ka qaadista uu ku sameeyey maareeyihii hay’adda wadooyinka Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed waxay noqotay mid uu garab ku siiyey wasiirka gaadiidka Cabdilaahi Abokor kaas oo khilaaf u dhaxeeyey maareeyaha, iyada oo wasiirkuna uu marar door ah u diray hanjabaado awoodo dheeraad ahi ka muuqdeen oo uu gaadhsiiyey shaqo joojin uu ugu goodiyey maareeyaha.

Khilaafka u dhaxeeyey wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaa salka ku hayey awoodaha labadan hay’addood, iyada wasiir Cabdilaahi Abokor ku doodayey in hay’adda wadooyinku ay hoostimaado wasaaradiisa halka maareeyuhu aaminsanaa inuu ka madax banaan yahay, waxaanu wasiirku marar door ah hor istaagay magacaabis uu sameeyey maareeyuhu, iyada oo dadka siyaasada falanqeeyaa ay tilmaameen in maareeyaha hay’adda wadooyinku ku taagan yahay sharciyada.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa digreetadii ugu dambaysay ee uu saaray ku kala furtay labadan masuul oo mudo iska laalaaday isaga oo la saftay wasiirkiisa gaadiidka oo ay isku deegaan yihiin isla markaana dibada dhigay maareeyihii hay’adda wadooyinka oo ka soo jeeday gobolka Awdal.

Dhinaca kale khilaaf culus oo ka taagnaa wasaarada waxbarashada ayuu madaxweyne Muuse Biixi ku xaliyey digreetadii uu xilka kaga qaaday wasiir ku xigeenkii.

Khilaafka wasaaradan oo u dhaxeeyey wasiirka, agaasimaha guud iyo inta badan agaasime waaxeedyada oo dhinac iyo wasiir ku xigeenka ayuu madaxweyne Muuse Biixi la saftay garabkii isbahaysiga u samaystay wasiir ku xigeenka ee agaasimaha guud abaabulay, waxaanu xil ka qaadis ku sameeyey wasiir ku xigeenkii wasaarada ka dib markii garabka kale ku qanciyeen inuu dibada ka dhigo wasaarada, iyada la sheegay in agaasimaha guud oo ay madaxweyne Muuse isku deegaan yihiin uu awoodo dheeraad ah u isticmaalay wasiir ku xigeenkii xilka laga qaaday.

Sidoo kale khilaaf ayaa ka dhextaagnaa masuuliyiintii uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay komishanka xakamaynta Aids-ka, Waxaana jirtay dacwad uu madaxtooyada gaadhsiiyey agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac kaas oo dacweeyey xubno ka mid ah komishanka oo uu sheegay inay baalmareen nidaamkii shaqo, xubnahaas oo kala ahaa agaasimaha wacyigelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin iyo Maxamed Abiib Yuusuf oo ahaa agaasimaha daawaynta iyo daryeelka ee komishanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaana iska indha tiray dacwada uu soo gaadhsiiyey agaasimaha fulintu isaga oo khilaafkiina ku xaliyey inuu xilka ka qaado agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac iyo agaasimihii daawaynta Maxamed Abiib oo ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo Hawd halka aanu wax talaabo ah ka qaadin agaasimihii wacyi gelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin oo ay madaxweynaha isku deegaan yihiin isla markaana qayb ka ahaa khilaafka ka dhexjiray komishanka xakamaynta Aids-ka.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qaabka uu madaxweyne Muuse Biixi u xaliyey khilaafkii ka taagnaaqaar ka mid ah hay’addaha dawladu aanay ahayn mid cadaalad ku fadhida, isaga oo xil ka qaadis ku abaal mariyey xubno gardaro ka tirsanayey masuuliyiinta ay wada shaqaynta lahaayeen ee ay madaxweynaha isku deegaanka ka soo wada jeedeen, taas oo su,aal galinaysa qaabka madaxweynuhu u garnaqay.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hargeysa/Somaliland

Email:-Goud423@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here