Hargeysa (QoryaaleNews) ―Xukuumada Muuse Biixi ayaa shalay maamulka Puntland u dirtey fariin ka gadisan fariimihii hore ee hanjabaadyada iyo digniinuhu ku ladhnaayeen.
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Biixi, Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa shacabka iyo madaxda maamulka Puntland ugu hambalyeey xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalinta aas-aaska Maamul goboleedka Puntland, oo ku beegan 1-da August.
Xoghaye Mubaarik Taani ayaa sidoo kale waxa uu shacabka iyo maamulka Puntland u rajeeyay inay barwaaqo, badhaadhe iyo nabad-gelyo ku gaadhan sanadkan sanadkiisa.
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Biixi ayaa fariintan ugu hambalyeynayo Puntland soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna yiri “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalinta aas-aaska Dawlad Goboleedka Puntland darteed walaalaha reer Puntland oo ah jaarka bari ee Jamhuuriyadda Somaliland”.
Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxaan u rajaynayaa in ay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan badhaadhe iyo nabad-gelyo”.
Somaliland iyo Puntland ayaa muddo badan waxa ka dhaxeeyay muran xuduudeed inbadan sababay dagaalo, isla markaana waxay hawada isku marin jireen fariimo xanbaarsan hanjabaado iyo digniino kala duwan.