Madaxwaynaha JSL Oo Dhambaal Tacsiya U Diray Alle Ha U Naxariiste Marxuum Xuseen Maygaag Samater Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa.

0
480

Madaxwaynaha JSL Oo Dhambaal Tacsiya U Diray Alle Ha U Naxariiste Marxuum Xuseen Maygaag Samater Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa.

Madaxwaynaha JSL Oo Dhambaal Tacsiya U Diray Alle Ha U Naxariiste Marxuum Xuseen Maygaag Samater Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa.TACSI MADAXWEYNE: 01/08/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maygaag Samatar oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 01/08/2019.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee qarannimada Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here