Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Qabtay Gaadhhi Siday Hub Iyo Rasaas Farabadan .Gaadhigani Oo Uu Lahaa Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar Oo Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland .
Xildhibankani Lahaa Gaadhigani Ayaa Ah Xildhibaan Kasoo Jeeda Degmada Ceelafwayn Gaar Ahaana Kasoo Jeeda Beesha Sacadyoonis Oo Wali Hubkoodii Haysta Halka Beesha Bahoodna Hore Hubkodi Uwareejisay Kuna Wareejisay Xukumada Somaliland
Hadaba Gaadhigani Siday Hubka Iyo Rasaasta Farabadan Ayaa Kusii Jeeday Dhankaa Iyo Degmada Ceelafwayn Oo In Badan Xaalado Coladeed Kajireen
Tani Waxay Tusaale Cadd Utahay In Xildhibaankani Uu Gaas Iyo Kabriid Kusii Siraadayay Xaalada Ceelafwayn Ee Dami Wayday
Dagaalkani Iyo Xalada Colaadeed Ee Damiwayday Ee Kajirta Degmada Ceelafwayn Ayaa Markii Hore Lamoodayay Inay Wadaan Dadka Reer Guuraga Ah Balse Gabi Ahaanba Taasi Ayaa Noqoysa Mid Aan Jirin Iyadoo Halka Ay Sartu Ka Qudhunsanatahay Ay Tahay Dhanka Qaarkamida Xildhibaanada Xasaanada Qaranka Haya Sida Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar
Iskusoo Wada Xooriyo Gaadhigani Ayaa Hadad Ku Xidhan Xarunta Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Burco Waxana La Filayaa In La Horgeeyo Maxkamada Gobolka Togdheer