Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Istaadhmay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Wasiirka Cadaaladda + Arimaha La Isku Seegan Yahay.
Maxkamadda sare ee dalka iyo Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isku heysta dhismaha Machad-ka tababarka Garsoorka iyo magacaabista Garsoorayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo qaabilsan imtixaan ka qaadista iyo shaqaaleynta Garsoorayaal iyo kaaliyeyaal cusub oo ka bannaan garsoorka dalka, arrintaas ayaa waxaa ka hor yimid wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.