Doorashadii Madaxtooyada JSL ee qabsoonta November 13, 2017 ayaa shacabka Somaliland ka dhex abuurtay
kala qaybsani ku salaysnayd mucaarid iyo muxaafid, taasi oo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland gaar ahaan xisbiga Waddani uu sheegay in wax isdaba marini dhacday xiligii cod bixintu socotay.
Hadaba talaabooyinka xukuumada faderaalka ah ee Soomaaliya ay beryahan dambe caadaysatay ee ah in wixii horumar ah ee Somaliland ku talaabsataba ay kadaba qaylinayso ayaa dawo unoqonaya kala aragti duwanaantii dhextaalay qaybo kamid ah shacabka Somaliland.
Talaabooyinka xaasidnimada umuuqda ayaa soo badanaya intii uu madaxwaynaha xiligan haya talada Somaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) uu ku guulaystay talada dalka Somaliya, halka madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay aanay talaabadan ku jiqsiida ah aanay isticmaali jirin.
Farmaajo ayaa awoodiisa iskugu geeyey sidii uu Somaliland uga xidhi lahaa albaabkasta oo ufurma.
Talaabadii ugu dambaysay ee ka dhan ah Somaliland ee ay qaaday xukuumada Somaliya ayaa ah in ay maanta xidhiidhkii dublamaasi ujartay dalka Guinea Conakry ee ku yaala galbeedka qaarada Afrika oo uu booqasho ku jooga Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si heersare ah loogu qaabilay dalkaasi.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay maanta in dawlada Soomaaliya ay xidhiidhkii u jartay wadanka Guinea Conakry.
Wasiir Axmed Ciise oo soo bandhigay sababaha keenay inay xidhiidhka u jaraan wadanka Guinea ayaa yidhi “Dowlada Guinea waxay ku xadgudubtay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya kadib markii sida Madaxweyne dal ay u maamuustay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya dalkaas” ayuu yidhi Wasiir Cawad.
Talaabadan ay Somaliya xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea Conakry ayaa dadka siyaasada falaqeeyaa sheegeen inay tahay guul usoo hoyatay Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi.
Maaha safarkii koowaad ee madaxwayne Muuse Biixi kutago dalalka Afrika, balse waxa uu hore socdaalo si heersare ah loogu soo dhaweeyay uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, balse Somaliya wadamadaa hore xidhiidhka umayjarin sida ay Maanta dalka Gini Xidhiidhka Ugu jartay.