Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Wada Hadalkii Dhexmaray Galmudug Iyo Dawlada Federaalka Ah.
Wadamada xidhiidhka dhaw iyo wada shaqaynta la leh dawlada soomaaliya ayaa war ka soo saaray wada hadaladii lagu soo afjaray khilaafkii ka dhextaagnaa maamulka Galmudug iyo dawlada federaalka ah.
War saxaafadeed ay soo saareen wadamada Belguim, Denmark, Ethiopia,Finland, France, Germany, Italy, The Netherlands, Norway, Poland, Sweden, Switzerland, Turkey, Ingiriiska, Maraykanka, hawl galka midawga Afrika ee Amisom, midawga yurub, urur goboleedka IGAD iyo qaramada midoobay ayaa lagu sheegay inay soo dhawaynayaan wada hadalkii lagu soo afjaray khilaafkii maamulka Galmudug iyo dawlada soomaaliya.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa la sheegay in lagu soo dhawaynayo in heshiiska lala gaadhay Galmudug uu balanqaadayo deganaanshaha maamulka iyo laga wada shaqeeyo wixii faa,iido u ah shacabka iyo dalka soomaaliya.
Wadamadan iyo hay’addahan caalamiga ah ayaa sheegay inay dhiiri gelinayaan in dhinacyadu ay sii wadaan wada hadalka si loo gaadho doorasho cadaalad ku dhisan oo lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka cusub iyo madaxweynaha.
Ugu dambayn warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay sii wadayso taageerada ay siinayso dawlada soomaaliya.