Xog: Shirkada Raysut ee dalka cumaan oo kaashanay Ganacsade Maxamed Aw siciid ayaa Berbera ka hirgalinaya warshed Sibidh

0
570
Shirkada Raysut ee laga leeyahay dalka cumaan oo kaashanay Ganacsade Maxamed Aw siciid ayaa Berbera ka hirgalinaya warshed Sibidh .

Shirkada ugu wayn ee soo saarta Sibidhka wadanka Cumaan ee Raysut oo kaashanay shirkada uu leeyahay ganacsadaha reer Somaliland ee Maxamed aw-siciid Geedi (MSG Group) ayaa shaacisay inay Somaliland ka hirgalinay  warshad soo saarta sibidhka.

 

Warshedan ayaa laga hirgalinayaa magaalada Berbera ee Soomaliland sida lagu sheegay warbixinta ay qortay shabekada la faaloota arimaha sibidhka ee Cement News ,warshadan ayaa ku kacay  lacag dhan 40 milyan oo Dollar , sida warbixinta lagu sheegay shirkada Raysut waxay helay 55% sheerka guud (Share) ee marshuucan halka inta soo hadhay uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid geedi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here