Mudaharaad Salmi ah ayaa goordhawayd ka bilaamay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn Waxaana Mudaharaadkaa dhigay Haweenka Ku Dhaqan Degmadaas.
Haweenka ayaa ka soo hor-Jeestay rasaas xalay ka dhacaysay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn taas oo ay is waydaarsaneey labadii Beelood ee hore halkaa Dagaalku Ku Dhex-maray.


Illa hadda ma cadda in wax khasaare ah ka dhashay rasaastan xalay laga maqlayay deegaanka Ceel-afweyn oo hore dagaal dad badan ku dhinteen uu ugu dhex-maray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi.
Xukuumadda Somaliland, hay’adda amniga iyo maamulka degmadu wali kama hadal arrintan.