Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Dullucda Kullamo Badan oo la yeeshay Dawladda Kenya iyo Diblomaasiyiinta Caalamka

0
373
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Dullucda Kullamo Badan oo la yeeshay Dawladda Kenya iyo Diblomaasiyiinta Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda SomalilandProf. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oosocdaal shaqooo qaatay muddo toddobaad ah ku jooga dalka Kenya, ayaa ka shaqeynayasidii iskaashi dhaqaale ula yeelan lahaayeen dalka Kenya isla markaana uumaalgashi dibadeed ugu raadin lahaa JSL.

Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), oo soo xiganaysa qormooyin ay daabaceen Warbaahinta dalalkabariga Afrika, waxa Wasiir Faratoon uu kulamo isdaba joog ah la yeeshay masuuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Kenya, kuwaasi oo uuka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Mr. Peter Munya oo ay wadajir u lafo-gureen iskaashi ganacsi oo ay yeeshaan Somaliland iyo Kenya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa kaloo uu la shirayXoghayaha Fulinta Urur-goboleedka IGAD, Eng. Maxbuub Macalin oo ay isla soo qaadeeniskaashiga dhinaca nabadgelyadda iyodoorashooyinka Baarlamaanka ee muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan.

Sidoo kalena,Weftiga Wasiir Faratoon waxa uu kulan la yeeshaySafiirka Dawladda Finland u fadhiya Kenya, Erik Lundberg waxaanay kawada hadleen mashaariic dhinaca caafimaadka ah iyo kuwa bini’aadanimada ah oo ay Finland ka gacan siiso Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here