Shir Lagaga Hadlayey Balaadhinta Dekedaha Africa oo Door-weyn Ay ka Ciyaartay S/land, Nuxurka Khudbado ay kasoo Jeediyeen Wasiirka Maalgashiga iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland…

0
367
Shir Lagaga Hadlayey Balaadhinta Dekedaha Africa oo Door-weyn Ay ka Ciyaartay S/land, Nuxurka Khudbado ay kasoo Jeediyeen Wasiirka Maalgashiga iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland…

Wafti sare oo ka Socday Xukuumada Somaliland, ayaa Dalka Tanzania kaga Qaybgalay Shir Caalamiya oo in ka badan 300, oo Xubnood kasoo Qaybgaleen. Shirka oo lagu magacaabo 3RD Africa Ports Expansion, ayaa lagaga hadlaayey balaadhinta Dekedaha Africa
Iyo sidoo kale isku xidhka dekedaha iyo dalalka africa, waxanu Shirkani ka dhacay caasimada dalka Tanzania ee Darasalam.
Xubnaha Waftiga ee metelayey Jamhuuriyada Somaliland waxay kala ahayeen Wasiirka Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kuwaasoo khudbado taarikhiya oo gilgilay quluubta kasoo qaybalayaashii Shirkaa ka jeediyey madasha, waxanay kaga warameen dalka Jamhuuriya Somaliland iyo sida ay uga banaantahay fursado maalgashi oo u ka waramay Wasiirku, halkaa Maareeyaha Dekeduhuna ka waramay balaadhinta Dekeda Berbera iyo sidoo kale inay Deked ahaan u baahan tahay inay xidhiidh la samayso dekedaha kale ee Africa iyo sidoo kale Dhismaha Free-zone ka ama rugta ka caagan cashuuraha, taasoo in ka badan 35 Company ay is diiwaangeliyeen, taasoo markaa ay balaadhinta Dekedu dhamato noqon doontaa Hab gaadhsiisa Kontiinarada Wadamada kale.
Iyadoo ay talaabadaasi sahlayso inay Dekeda berbera kusoo horeyn doonaan Maraakiibta waaweyn si loogu qaybiyo Koontiinarada u kala socda, wadamada bariga iyo badhtamaha Africa, sida Dekedaha Salada iyo Dubai oo kale.
Sidoo kale, waxay ka warameen xubnaha waftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkaasi, sida ay israatiijiga u tahay Dekeda Berbera iyo marinka muhiimka ah ee ay ku taalo, kaasoo ay maraan in ka badan 35000, oo Markab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here