Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo ka Qayb Galay Shir Madaxeed Caalami ah Oo lagaga Hadlay Arimaha Horumarinta Dekedaha Afrika.

0
503

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo ka Qayb Galay Shir Madaxeed Caalami ah Oo lagaga Hadlay Arimaha Horumarinta Dekedaha Afrika.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo ka Qayb Galay Shir Madaxeed Caalami ah Oo lagaga Hadlay Arimaha Horumarinta Dekedaha Afrika.

Maareyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdulahi Oo Uu Weheliyo Wasiirka Maalgashiga Ee Somaliland Md.Maxaned Axmed Cawad ayaa Dalka Tansania kaga Qayb Galay Shir Caalami ah Oo Ay kasoo Qayb Galeen Madaxda Dekedaha Waawayn Ee Afrika, Wasiiro Ka socday Dalalka Afrika, Agaasime- yaal Guud Iyo Shirkado Caalamiya..
Shirkan Oo ahaa mid Madax badan kulmiyey ayaa lagaga Hadlayey Mashaariic Maalgashiga Horumarinta Dekedaha Afrika, Arimaha Logistic kada iyo Dar dargelinta Kaaba yaasha Dhaqaalaha Oo wax tar wayn u leh Isla markaana Saamaynaya Adeegyada Dekeduhu Bixiyaan Ee isku socodka Ganacsiga Caalamiga ah.
Dhanka Somaliland Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdulahi ayaa Soo Bandhigay Koboca Iyo Horumarka Dekeda Berberi Samaysay, Free Zone iyo Halka Uu marayo Mashruuca Balaadhinta Ee Dekeda Berbera Ee Ay DP World Wado iyo Doorka Dekeda Berberi ka qaadato Koboca Dhaqaalaha Geeska Africa.
Intii Shirkani Socday Weftiga Somaliland ka socday Ee ka koobnaa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md.Siciid Xasan Cabdulahi iyo Wasiirka Maalgashiga Md. Maxamed Axmed Cawad waxay Kulamo gaar gaar ah la Qaateen Wasiiradii, Madaxdii Shirkadaha Caalamiga ah Iyo madaxdii Dekedaha Ee kasoo Qayb Galay Shirkaas Isla markaan waxay u Bandhigeen Dhinacyada Ay iska Kaashan karaan iyo Mihiimada Ay leedahay Is Dhexgalka Dhaqaale Ee Afrika gaar ahaan Bariga iyo Badhtamaha Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here