Daawo:(Sawiro) Jabuuti Qaabkee Ayey U Xustay Sanad Guurada 42aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadii Ay Ka Qaateen Faransiiska
Jabuuti Qaabkee Ayey U Xustay Sanad Guurada 42aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadii Ay Ka Qaateen Faransiiska
Dawlada Jabuuti ayaa dabaal deg balaadhan ku muujisay sanad guurada 42aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaadatay dalka Faransiiska.
Dawlada jabuuti ayaa dabaal degan ku soo bandhigtay ciidamada kala duwan iyada oo ay qaybna ka ahaayeen dadweynaha oo si weyn iskugu soo baxay.
Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad u jeediyey shacabka ayaa ka waramay halgankii ay u soo mareen xornimada ay maanta haystaan, isaga oo dardaarano kala duwana faray guu ahaan shacabka jabuuti.
Madaxweyne Geelle ayaa carabka ku adkeeyey in shacabka jabuuti looga baahan yahay inay sii wadaan horumarka ay dalkooda gaadhsiinayaan isla markaana ay yeeshaan aragti dheer oo ay ku ilaashadaan dhulkooda, waxaanu sheegay in natiijo wanaagsan laga hayo halgankii loo soo galay xornimada dalka jabuuti.