Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Oo U Baroortay Jeneraalkii La Dilay

0
436

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Oo U Baroortay Jeneraalkii La Dilay

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kasoo muuqday baroordiiq loo sameeyay jeneraalkii lagu diley afgembigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay, waxaana la arkayay ra;isulwasaaraha oo aad u barooranaya.

Jeneraal Seare Mekonnen ayaa la sheegay in uu toogtay waardiyihiisii, kaas oo qeyb ka ahaa isku dayga afgembiga.

Muuqaalo laga baahiyay warbaahinta dowladda ayaa muujinayay Dr Abiy oo ay ilmo ka qubanayso.

Naxashka Jeneraalka iyo dumar u barooranaya

Booliiska Itoobiya ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ay horey usoo saareen oo ahaa in la dilay askarigii toogashada ku dilay jeneraalka, waxayna sheegeen in uu noolyahay, lana hayo isaga oo nool.

Maydka jeneraalka ayaa loo duuliyay gobolka Tigreega, halkaas oo lagu aasi doono.

Qaar ka mid ah warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in jeneraalka uu goobjoog ka ahaa markii la dilayay madaxweynaha gobolka Amxaarada, kadibna isaga la dilay.

 

Dr Abiy ayaa dadka Itoobiya ka codsaday in ay midoobaan, una midoobaan wax uu ku tilmaamay ‘shayaadiinta’ qaska wada.

Wariyaha BBC-da Emmanuel Igunza ayaa sheegay in wax iska tahay in ay jiraan dad badan oo ku jira militariga, kuwaas oo kasoo horjeeda hoggaaminta ra’isulwasaaraha.

Taas waxaa ku raacsan dowladda Maraykanka oo sheegtay in afgembiga ay ka dambeeyeen haraadiga xukunkii hore, kuwaas oo aan la dhacsanayn isbadelka dhacaya.

Jeneraal Asaminew oo lagu eedeeyay afgembiga ayaa xabsiga laga soo siidaayay sannadkii hore.Lahaanshaha sawirkaYOUTUBE/ALEM GENA TUBE
Image captionJeneraal Asaminew oo lagu eedeeyay afgembiga ayaa xabsiga laga soo siidaayay sannadkii hore.

Booliiska Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in ay toogasho ku dileen ninkii ka dambeeyay afgembiga oo lagu magacaabo Jeneraal Asaminew.

In jeneraal Asaminew uu ka dambeeyay afgembiga ma ahan mid layaab ku ah dadka Itoobiya, waxa uu kasoo jeedaa qoowmiyadda Amxaarada, waxaana aad loogu yaqaanaa aragtiyada ku dhisan qoowmiyadaha, isaga oo mar xitaa Amxaarada ugu baaqay in ay helaan madax banaani.

Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinayay isaga oo dadka Amxaarada ugu baaqaya in ay is hubeeybaan.

Muddo 9 sanno ah ayuu horey xabsi ugu jirey, isaga oo ku eedeysnaa in uu abaabulayay afgembi.

Abiy AxmedLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionAbiy

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here