Dhageysiga Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya Ooo La Muuddeyay

0
413

Dhageysiga Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya Ooo La Muuddeyay

 

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa shaacisay xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2019-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go’aan ka gaari karto.

 

Dood dheer ka dib, bishii February ee 2018-kii ayay maxkamadda cadaaladda caalamka ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Xilliga uu billaabanayo dhageysiga

War qoraal ah oo xalay ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda.

Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta.

Baaxadda dhulka la isku hayo

Go’aankii hore ee maxkamadda wuxuu u dhacay sida ay Soomaaliya dooneysay oo ahayd in khilaafka aan lagu dhameyn wadahadal ee ICJ horteeda lagu kala baxo.

Maxkamadda waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen ee ahaa “Isfahan”.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal

Arrintan xuduudda badda la xiriirta waxay dhalisay khilaaaf diblumaasiayeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Kenya ayaa qaaday tallaabooyiin ka dhan ahaa dowladda Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa in safiirka Soomaaliya ee Nairobi loo sheegay inuu dalkiisa ku noqdo, taas oo markii dambe laga heshiiyay.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka qoomameyneysaa hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah “in Soomaaliya ay iib geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay”. Soomaaliya waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go’aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wadatashi ah la yeelanin dowladda Soomaaliya”.

Abiy Axmed, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa mar dhexdhexaadiyay Farmaajo iyo UhuruLahaanshaha sawirkaVILLASOMALIA
Image captionAbiy Axmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa mar dhexdhexaadiyay Farmaajo iyo Uhuru

Sidoo kale waxay joojisay duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna dib u celisay wafdi Soomaaaliya uga qeybgali lahaa kullan ka dhacayay caasimadda Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray bishii February ee 2019kii ku sheegay: “Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here