Arrinka Ethiopia, Baroortu Orgiga ka Weyn!!!
Qaar badan oo innaga mid ah war uun bay u tahay!!!
Marka laga yimaaddo loolanka gudaha Ethiopia, waxa mandaqadda isku haya laba quwadood; waa in dimuqraadiyadda Ethiopia ka curatay la curdin dhadhiyaa si dhaq-dhaqaaqa dimuqraadi doonka ah ee Sudan loo xabaal nololiyo, isla markaana aanay madaxa ula soo kicin xoogagii Masar ee dimuqraadi doonka ahaa iyo guud ahaan Carabtu.
In badan baan sheegay in ay adkaan doonto in dimuqraadiyadi ka hana qaado Ethiopia, tiiyo Carab oo ka ilbaxsani cagta hoosteeda ku jirto!!!
Waa in qof kasta oo ku nool Afrika iyo Carabtu is garab taaga Ahmed Abey iyo dhaq-dhaqaaqiisa dimuqraadi doonka ah; reer galbeedna waxba ha ka sugin, maxaa yeelay waxay u habranayaan ama la socdaanba quwadda dimuqraadi diidka ah oo ay dano ka leeyihiin; waa boqorada maalgaliya askarta Masar iyo kuwa Sudan!!!
Halkaasuu dagaalku marayaa; waa safayn ee toos oo kor eeg, waynu foorarnaa!!!; waa haddii aynu wadaagno qiyamka karaamada iyo xorriyadda bani’aadamka, oo aad sidaa aaminsan tahay. Haddii kale isku dad ma nihin!!!
Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.