Faraqa u dhaxeeya shirka Burco ka dhacaya iyo shiirki 2009 burco ka dhacay

0
389

Shirkii Burco ee 2009 kii , Gogosha shirka waxaa dhigay Beesha Hj ,
oo ahayd Beeshii uu kasoo jeedey Musharixii Xisbigga Kulmiye Axmeda Siilaanyo , waxaanay u dhigtay gogosha Beesha Hy si ay u waydiisato cod .
Beesha Hj markii ay gogosha dhigtay , wax buuqa , wax qaylo ah , wax khilaafa iyo wax hadala midna lagama maqlin , wixii ay doonaysaysay in ay ka hadashana Gogoshii ay dhigtay ayuun bay ka sheegatay .

Shirkaa waxaa kasoo qayb galay guud ahaan Salaadiinta Beesha Hj , gudididii Beesha iyo waayeel fara badan .
Dhinaca kale ee Hy waxaa ka qayb galay Ergo culus oo ay hogaaminayaan , Suldaan Cismaan Suld Cali , Suld Barre Warsame iyo Saladiin kale , shirkiina wuxu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan .

Shirkan imika la hadal hayo ee Burco .

Waxaa gogosha dhigtay Beesha Hj oo aan wadanin musharax muuqda ama imika saaxada taagan .

Waxaa loo dhigay Beesha uu kasoo jeedo Musharaxa Xisbigga Waddani , C/raxmaan Cirro .

Beeshii gogosha loo dhigay , ee Musharaxana ahayd , ayaa dhexdeedi isku haysata gogoshii loo dhigay .
Markii ugu horaysay shirka waa la taageeray , waxaana taageeray ilaa Xisbigii Waddani , waayeel iyo waxgarad badan.

Shirkii hadana dadkii taageeray iyo kuwo diiday ayaa saxaafada isku haysta iyagoo isu marinaya hadalo taagtaagan.

Kala duwanaanshaha labda shir amaba faraqa u dhaxeeyaana waxa weeyaan , waagaas beesha uu kasoo jeeday musharax Siilaanyo waxay rabto iyo wadaday u marayso ba way garanaysay , laakiin imika beshan uu kasoo jeedo musharax cirro waxay doonayso iyo wadaday u marayso iskuma waafaqsana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here