Xiisaha Warbixinta Wiil ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland ka Furay Shirkad

0
425

Xiisaha Warbixinta Wiil ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland ka Furay Shirkad.

Xiisaha Warbixinta Wiil ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland ka Furay Shirkad

Aadan Aabioo ah wiil Maraykanka ku dhashay oo dhallinyaro ah ayaa dib ugu noqday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Asal ahaan ka soo jeeday, waxaanu Hargeysa ka hirgaliyeyShirkad Caymiska ka shaqeysa oo la yidhaahdo Horn of Africa Insurance.

Aadan ayaa dhawaan lagu daray 30kaHoggaamiye ee DhallinyaradaAfrika u soo baxaya, ee uu ku dhawaaqayFrench AfricanFoundation.

 

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Shabakaddacaalamiga ah eeAfrica.com,oo warbixin xiise leh ka sameysay ninkaas dhallinyarada ah oosheegay inuu go’aansadayinuu u guuroSomaliland oo ah dalka uu ka soo jeedo ee waalidkiinna ka yimaadeen, markii ay ka soo qaxeen dagaalladii Somaliland ka dhacay daboyaaqadii Siddeetamaadkii.

Mr. Aadan Aabi wuxuu u sheegay Africa.com in markii uu Somaliland yimid uu muddo fahmi waayey duruufaha ganacsiga Somaliland iyo luuqadiisa Soomaaliga oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid jajaban, hase ahaatee uuaasaasay Horn of Africa Insurance, kadib markii uu arkay inHantida kala duwan ee Somaliland, sida Guryaha, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsigu aanay ku jirin wax caymis ah oo ay taageero ka helaan haddii hantidooda waxyeelo soo gaadho.

Waxa kale oo uu intaas ku daray inuu shirkadiisa Caymiska ka hawlgeliyey dhallinyaro shaqo doon aheyd.

 

Aadan Aabi wuxuu barnaamij dukumantari ah oo uga warramay ShabakaddaAfrica.com waxaanuku sifeeyey dal dhinac walba ka soo kabanaya oo ku yaalla mandaqad duruufo adagi hadheeyeen.

Waxa kaloo muwaadinkaasi soo bandhigay in Somaliland ay horumar ka sameynaysoGanacsiga, taasina ay keentay inay yimaadaan maalgashadeyaal badani.

Mr. Aadan Aabi wuxuu intaas ku raaciyeyinuu rajaynayo in qurbo-joog badani ayku soo laabtaan Somaliland isla markaana ay ganacsiyo kala duwan ka furtaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here