Dawladnimo lagu soo wada tabcay ayay NGO ka dhigteen iyaga oo awood madaxweyne oo ay qolo xigsanayaan adeegsanaya, markaas bay ku odhanayaan “yaan qolo laga hadlin”!

0
426

Waa hasha geela cuntee cabaadda!

Inta dawladnimada reernimada laga xoraynayno ee adeeg bixin iyo waxqabad horumarineed loo guurinayo, reeruhu awoodda talo-goyneed ha u qaybsadaan sida caddaaladda ugu dhow.

Guurtidu saami-qoleed ayay ku fadhiyaan. Wakiilladu waa la mid. Degaanku waa la mid. Xisbiyada waxa saldhig iyo indho u ah dareen iyo doorasho reernimo keenada u hayso.

Haddana magacii reeraha ayaa afka laga ilaalinayaa oo dadka qaar leeyihiin maxaa carrabka loogu dhufanayaa.

“Iyagoo qadhqadhayoo
Qatanoo arradanoo
Webi qawdhamaayiyo
Ku dhex jira bad qawley
Qoyanaanta diidaan”.

“Sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahay”!

La ye, “masjid jaamaca Hargeysa markii la dhisay ayaa reero loo qaybsaday markii la isku qabtey maamulkiisa oo iimaanka salaadda Jimcaha iyo Iidaha dadka ku tujiya qolo la siiyey, reer kalena la siiyey iimaan salaadaha kale tujiyo, reerna loo qoondeeyey mu’addinka, qolo kalena la yidhi muftaaxa haya”!

Rakcadihii salaadda ayaa lagu sigtay in reero loo qaybsado!

Maanta se waa “waxna aan qalanno, mindiyahana aan qarsanno”.

“Wanka macasha ii qabo
Mindida gawrac ii mari
Dhiiggana aan muudsado”.

Waxa la isku hayaa waa dhalaalka yar ee xeedhada gunteeda ka muuqda ee u baahnaa in bulshada saboolka ah loo ititibiyo, yamxeeriyo, adeegyana loogu sameeyo.

Intii yarayd ee ilo dhaqaale ahayd ayaa la isugu qaraabo-kiiley, la isku naasnuujiyey, lagu kala bursaday maskabyaddii dawladnimo, looguna takrifalayaa sidii Maafiyada Talyaaniga oo shirkado loogu samaystay, madaxtooyaduna si reeraysan u maamushaa, markaas bay ku odhanayaan maya; maya; reeraha magacyadooda inaga daaya dawlad baynu nahee, dawladdee dee?!

Waar hooy hooy, “ma innagii Reer Cali Geri ayaa isku askariyeynayna”.

Inta aynu dawlad noqonayno reeruhu awoodda talo-goyneed ha u wadaagaan sida caddaaladda ugu dhow, ilaha dhaqaalena si isla caddaaladdaas ugu dhow ha loogu sinnaado, si aanay waxa yari inoogu burburin oo aan loo wada khasaarin.

“Caanaha durduurta ah
Dadku haw sinnaadeen”, haddii lagu eedaamay, ma dayrkii Makaa la gubey?

Karis xun iyana wax ku la’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here