Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa markii ugu horreysay shaashadaha ka soo muuqday tan iyo intii xilka laga tuuray bishii April. Mr Bashir ayaa laga soo saaray xabsi ku yaalla magaala madaxda dalkaasi ee Khartoum ka hor inta aan la geyn xafiiska dacwad oogaha, halkaas oo lagu akhriyay dambiyada isaga ka dhanka ahaa.