“Aabahay Oo Kufsi Joogto Ah Ii Geysan Jiray Ayaan Habeenkii Dambe Iskaga Dhigay Inaan Dhintay”

0
459

Eve Ensler, oo ah gabadh riwaadaha qorta oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa caan baxday sanadihii 1990-meeyadii, markii ay qisadeeda naxdinta leh uga sheekeysay barnaamij dumarka lagu taageero.

Barnaamijka qisadeeda soo bandhigay ayaa diiradda lagu saaraa sheekooyinka ku saabsan tacaddiyada dhinaca galmada ee dumarka, waxaana la gaarsiiyay inkabadan 140 waddan.

Meel kasta oo uu Barnaamijkaas gaaro, wuxuu kasoo gudbiyaa sheekooyin dadka ka qosliya kana oohiya.

Shaqadii ugu dambeysay ee ay Ensler qabatay waa mid sidoo kale naxdin leh, balse ka duwan tan tacaddiga ah.

Waxay qortay buug ay ka dhigeysay sidii inuu yahay warqad uu aabaheed usoo diray, taasoo uu uga raalli galinayo tacaddiyadii kufsiga iyo garaacista ahaa ee uu u geystay markii ay yareyd.

Waxay haweeneydan sheegtay in uu aabaheed xadgudubyo galmo u geysan jiray laga soo billaabo markii ay da’deedu ahayd 5 sano.

Markii dambena wuxuu ugu daray inuu jir ahaan u waxyeelleeyo, oo uu si joogto ah ugu gacan qaado.

Waligiis ma uusan u muujinin inuu ka xun yahay waxa dhacay, iyadoo sanado badan ay kasoo wareegteen dhimashadiisanana, Ensler ayaa go’aansatay inay raalli galintaas sameyso iyadoo wakiil ka ah aabaheed.

Gabadhan qoraaga ah, oo sidoo kale u doodda xuquuqda haweenka, ayaa BBC-da uga sheekeysay saameyntii kasoo gaartay tacaddiyada uu u geysan jiray Aabaheed.

. 

Sidey xaaladdaadu ahayd tacaddiga ka hor?

Waxaan xasuustaa inaan aad u faraxsanaan jiray. Waxaa kale oo aan xasuustaa inaan aad u jeclaa aabahay.

Sidey arrintaas isku baddashay?

Waxay ila tahay in Jacaylka aabahay xaggiisa aan ka heystay uu ahaa mid aan xaqiiq ku saleysneyn. Markii ugu horreysay ee ay arrintu billaabaneysayna, ma aanan fahmeynin sida ay wax u socdeen. Laakiin waan dareemayay inay wax khaldanaayeen.

Jirkeyga ayey wax ku dhacayeen, aniguna ma dooraneynin inay waxaas dhacaan. Qofka sidaas sameynayayna wuxuu ahaa Aabahay, oo aan ugu jeclaa dadka dunida ku nool.

Siduu tacaddiga u socday, waxaan ugu dambeyn ogaaday in waxani uu yahay wax aanan u baahneyn.

Waxay dhibaatadii ugu weyneyd istaagtay markii aan habeen ka mid ah habeennada go’aansaday inaan isbaddal sameeyo.

Waxaan iskaga dhigay inaan dhintay.

Markaas ayaa ugu dambeysay inuu tacaddi kufsi ah ii geysto, waxaana ahaa 10 jir.

Hase yeeshee wuxuu sii wadat tacaddigii garaacista ahaa.

Eve Ensler

 

Waxaad sheegtay in dhibka uu aabahaa kugu hayay uu qof walba oo qoyskaaga ka tirsan u caddaa. Laakiin miyey ogaayeen waxa uu kugu sameyn jiray?

Walaashey iyo walaalkey ma aysan ka warqabin waxba. Balse Ma garanayo waxa ay hooyadey ogeyd.

Markii aan weydiiyay sannado kaddib, waxay ii sheegtay inay ka warqabtay tacaddiga garaacista ah.

Eve Ensler 

Sideed dareentay markii uu aabahaa dhintay?

Waxay ahayd arrin adag, sababtoo ah aabahay muddo ayuu xanuunsanaa, kahor inta uusan geeriyoonin. Wuxuu qabay kansarka ku dhaca sambabada.

Laakiin waligeed ma dhicin in isaga ama hooyaday ay ii sheegaan inuu dhimanayo.

Maalmo kaddib markii uu geeriyooday ayaa la isoo wacay, oo la ii sheegay dhimashadiisa, mana helin fursad aan ku macsalaameeyo.

Haddaan u soo laabto su’aashii ahayd ‘sideed dareentay dhimashadiisa kaddib’?

Wax aan dareemay ma jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here