Nin ka mid ah dadka deggan magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo, Cabdi Duco ayaa sheegay in maayarka Hargeysa uu ku soo oogi doono dacwad ugub ku ah Soomaalida.
Cabdi Maxamuud Daahir, oo loo yaqaan Cabdi Duco, ayaa siduu sheegay maanta geynaya maxkamadda magaalada Hargeysa dacwad uu kaga cabanayo in maayarka magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteelko uu ka saaray barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga oo ay asxaab ku ahaan jireen.
Ninkan waxa uu ku doodaya in aannu maayarku xaq u lahayn in uu iska saaro, isla mar ahaantaana ay la mid tahay sidii in laga celiyey xafiis dawladeed.
Cabdi Duco oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in maayarku uu matalo bulshada oo idil asaguna uu kuu ka mid yahay bulshadaas la doonayo in uu u adeego.
” Maayar markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay”. Ayuu yidhi Cabdi Duco.
Cabdi ayaa sheegay in uu yahay nin dhismaha ka shaqeeya uuna u baahan yahay xogta magaalada sidoo kalena uu kasoo horjeesan karo mayaarka ama uu taageeri karo.
Waxa uu sheegay in maayarku uu bartiisa facebuugga ka saaray kaddib markii uu siyaasaddiisa dhaliilay.
” Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay”. ayuu yidhi.