Ciidamada Xooga Dalka Soomalia Oo Gacanta Ku Dhigay Darawalkii Waday Gaadhigii Ku Qarxay KM4
Muqdisho (Qoryaale News) – Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban.
Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaam Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugna goobtaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaare