duunyadda degmooyinka marka lagga hadlayo waxaa laggu saleeyaa Bedka wadankaasi leeyahay,
xadigga umadda ku nool iyo heerka dhaqaalaha wadankaasi marayo .
Intaa marka la ogyahay , wadan walba waxaa loo qaybiyaa degmooyin maamul oo mid walba laggu saleeyey xadigga dadka ku nool , bedka ay xukumayso iyo waxsoosaarka ay leedahay iyo baahiyaha u gaarka ah .
Sababta wadanadda loogu qaybiyo degmooyinkuna waxa weeyaan in ,
1- In dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshadda dadka la wada gaadhsiiyo , looguna qaybiyo .
2- In maamulka iyo xukunka la baahiyo , dalkana la wada gaadhsiiyo .
3- In la suggo baahiyaha iyo dhibaatooyinka dalka oo dhan yaala .
Hadaba wadankeena yar ee aan dhaqaalaha wayn lahayn , hadii aynu dhinac dhigno , sadexda wadan ee kala ah , China , Kenya iyo Ajartiin ,
Wadanka Kenya wuxuu ka kooban yahay 40 Degmo , tiradda dadka ku nool wadankaasina waa 50 Malyuun .
Wadanka Shiinaha degmooyinkiisu waa 34 degmo , tiradda dadkiisuna waaa hal bilyan iyo badh .
Wadanka Argentin 44 Malyan .
Hadaba wadanka Somaliland oo tirada dadkiisa laggu qiyaaso 4 Malyuun waa imisa degmo ?
Degmooyinkiisa maxaa laggu saleeyey markii la samaynayay?
Samaynta miisaanayadda iyo waxqabadka dawladda sidee baa degmooyinka loogu qaybiyaa ?
Waa maxay siyaasadda iyo ku tala galka Qarankani ka leeyahay degmooyinka iyo jiritaankooda ?
Bal adba: Ahmed Nour Guruje