Goorma Ayey Heshiiyeen Faysal Cali Waraabe Iyo Labada Askari?
maxayse tahay taageerada haatan ka dhaxaysa gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa.
halkayse salka ku haysaa isgarabsiga Faysal Cali Waraabe iyo xukuumada Kulmiye, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
Sida umada reer Somaliland iyo Somalida kalaba ay ogyihiin Faysal Cali Waraabe wa nin aan qarin maalinba ninka uu danihiisa gaarka ah ka waayo, Tusaale ahaan maalinta uu Farmaajo Telefanka ka qaban waayo, belo ayaa dhacda oo waa maalinta uu Somalida Koonfureed cagta mariyo . !!!.
Hadaba waxaa beri aan sii fogeyn la ogaa iyadoo ay fiintu dhex miranayso Faysalka UCID iyo labada Askari ee iskaga sareeya xukuumada somaliland iyo xisbiga Kulmiye, markii uu Muuse Biixi Madaxtooyada ka soo xidhay Faysal Cali Waraabe oo aan jeclaynay in uu ka fogaado Aqalka Morgen dhisay oo Somaliland looga taliyo.
“Dagaalkii Sokeeye waxaa riday Ina Biixi iyo Ina Kaahin”.
“Taladii dalka wuu ku fashilmay hadii uu sidaa ku sii wadana waxaanu Insha Allah Tacaala qaban doona Shirbeeleed Qaran”. “Dalka ku eegimayno Muuse Biixi oo anagaa ka ilaalinayna in uu Somaliland dumiyo”
Alla Alla waa kii Faysal cartamay Heegana ay nacdashay ee dadkuna ay hoosta iska wada gujiyeen!!!. “Armay run ka tahay”
Arintaasi may sii waarin ee waa kuwan imika Faysal iyo labada Askari isku dhufayska ah ee ilaa xad kalgacalkoodu uu gaadhay in ay yidhaahdaan “Waxaanu dalka ka qabanaynaa doorasho labadayada Xisbi oo keliyi galaan oo aanu Xisbiga Wadani ku jirin”
Hadaba su,aashu waxay tahay maxaa labada Askari ku kelifay in ay Faysal u fuliyaan muraadkiisii ahaa inuu si dadban uga mid ahaado Golaha fulinta ee Dawlada Muuse Biixi,sida Wasiir Arima Dibadeed aan magacownayn, Afhayeen aan sharci aheyn, Wasiir Warfaafineed oo aan sharci ahayn?.
Jawaabta oo koobani waxa weeye Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo labada Askari ku soo karbaashay Siyaasadii Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland. Markaa waxa Khasab noqotay in labada Askari ay isu dhiibaan Faysal Cali Waraabemaadama aanay waxba ka aqoonin Siyaasada caalamka iyo luqadaha lagula hadlo Dublamaasiyiinta aduunka .
Wakaa!! halkaas ayuu Faysal labadii Askari ugu noqday Cabdi Turjumaankii SNM.ta iyo Xabashida u kala turjumi jiray berigii Dugsigii Tababarka ee Awaare uu furay CabdilQaadir Koosaar rabi Janada fardawsa ha ka waraabiyee.
Imika Faysal waa Faysal Turjumaan intii imika ay Nairobi joogeena wuxuu Ina Kaahin ku sameeyay indha sarcaad isagoo kolba Gaalad ama Gaal cadaana baraayay oo lahaa “Tani waa Heblaayo oo waa Inkaar looga dambeeyo arimaha EU da” ” Kani waa Hebal oo wuxuu belaayo ku qaba arimaha Bariga dhexe iyo kuwa Geeska Africa”. Kani, Tani, kuwani.
Ina Kaahin,Ina Cabdi Dheere iyo Sheikh Samalana waxay filma ku matalayeen sidii aan ahaa berigii aan Norway imid . Dhoorayaal V. Heegana waa Wadani dhaba ayay isla soo tubeen.
Lakiin belaayo waxay joogta Maalinta ay Faysal ka soo xidhaan guriga!!!!!!!