aysal Cali Waraabe Oo Xalaal Ku Sheegay Kulankii Nairobi Ee Ay La Yeesheen Hogaamiyaha Waddajir, Kana Hadlay Wada Hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay kulankii magaalada Nairobi ku dhexmaray weftiga somaliland iyo hogaamiyaha xisbiga waddajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan CabdishakuurGudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen Nairobi ayaa xalaal ku tilmaamay kulankii ay la qaateen Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaanu yidhi “Hogaamiyaha mucaaridka ah ee Waddajir iyo kuwa kalaba waanu la kulmaynaa, qofkii ay nagaga xidhan tahay danta somaliland ee waliba qadiyadayada fahamsan waanu la kulmaynaa, anaguna xisbi ahaan waxaanu jecelnahay inaanu Hargeysa ku casuuno gidigood oo aanu tababaro siino, arimaha somaliland iyo soomaaliyana sidii loo kala dhamaystiri lahaa ka wada sheekaysano.”
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa masuuliyiinta dawlada federaalka ah ku eedeeyey inay hortaagan yihiin wada hadalkii u dhaxeeyey soomaaliya iyo soomaliland “Anagu hadaanu reer somaliland nahay dagaal ayaanu la galnay dawladii Maxamed Siyaad Bare ilaahayna guusha wuu na siiyey ilaa maantana dawlad soomaaliyeed oo jirtaa ma jirto, soomaaliyana way kala daadsan tahay shan madaxweyne ayaana jira iyaga oo maamul goboleedyo samaystay, hadana waanu la hadli jirnay dawladii hore oo xadkayaguna nabad ayuu ahaan jiray.”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qoladan meesha joogto ayaan muhiimada siin in wada hadalka , halka ay muhiimada ka siin lahaayeen inay dalkooda hagaajistaan, nabad galyada soo celiyaan oo ay sameeyaan dib u heshiisiin balse waxay xooga saareen inay lacag urursadaan somaliland cadaadis saaraan anaguna diyaar ayaanu nahay”ayuu yidhi gudoomiye Faysal.