Boqor Osman Buurmadow Oo Bulsho Tv La Hadlay Ayaa Xukuumada Somaliland Ku Eedeeyay in Ay Dhayalsatay Ka Hadalka iyo Waxka Qabashada Sarkaal Kasoo Jeeda Degmada Garadag Ee Gobolka Sanaag Oo Dhawaan Lagu Dilay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Waxaana Uu Yidhi ..
” Waxaanu Aad iyo Uga Sii Xunahay Dawlada Somaliland Oo Saraakiishii Ugu Badnayd Ee Beeshayada Ka Baxda Xitaa Aan Tacsi Udirin Ama Aas Qaran Sida Saraakiisha Kale Loogu Sameeyo Ugu Samayn,
Ma Garan Karayo Xukuumadan Muuse Biixi Cadaawada Ay Beesha Uhayso Ee Gaarka Ah ,
Boqorka Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Ay Shir isugu iman Doonaan Beelaha Bariga Burco Iyo Beelaha Garxajis Magaalada Burco Ramadaan ka dib . Waxaana Uu Yidhi ” Siyaasadihii Iyo Foolxumooyinkii Ka Dhashay Ee Kasoo Baxay Doorashooyinkii Qarankeena Kala Fogeysay Maadaama Xukuumada Iyo Ragii Qabtay Ay Dadkii isu Soo Dhaweyn Waayeen Oo Ay Taasi Dhici Weyday Waxaanu Ku Qasbanahay in Aanu Siyaasadii Beeshayada Dib Uhabayn Ku Samayno Oo Aanu Beelaha Garxajis Iyo Beelaha Bariga Burco Shir Ugu Qabano Magaalada Burco ” Boqor Osman Buurmadaw
Shere Garee Fadlan
Xg Mohamed Ali Bakeeri