Wefti Ka Socda Labada Xisbi-Siyaasadeed Ee Kulmiye Iyo Ucid Ayaa Maanta Gaadhay Waddanka Kenya, Gaar Ahaan Magaaladda Nairobi iyo Xisbiga Wadani ka maqan

0
710

Sida Warar Weftigaa Ku Dhaw-dhawi Ii Sheegayaan Waxay Kulamo Badan La Soo Yeelanayaan Beesha Calaamka, Khaasatan Dawladaha Dimquraadiyada Iyo Doorashooyinka Inaga Taageera Ee Aynu U Naqaano(Deeq-bixiyayaasha) Ilaahaybaa Deeqda Bixiyee,

Waxa Kale Oo Qorshahoodu Yahay Sidii Ay Kulamo Siyaasadeed Ula Soo Yeelan Lahaayeen Dawladda Waddanka Kenya Oo Immika Xidhiidhkeenna Siyaasadeed Aad U Soo Raynaayo,

Isku Soo Wada-duuboo Weftigani Waxay U Baxeen Sidii Loo Soo Qorshayn-Lahaa In Sanadkan 2020ka , Sidii Dalka Doorasho Uga Dhici-lahayd Iyado Oo Xukuumadda Somalilandna Gabi-ahaanba Dhammaystirtay Wixii Qorshe Kaga Aadanaa Doorashooyinka, Sida La Ogyahayna Waxa Doorashadda Galaaya Oo U Diyaara Labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo Ucid,

Halka Uu Xisbiga Waddani Ka Cudur-daartay Inuu 2020-ka Doorashadda Dhacaysa Ka Qayb-galo Sababo Xisbiga U Gaara Awgeed”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here