Komishankii doorshooyinka qaranka (National Electoral Commission) wixii uurka ugu jirey ee dhexdhexadnimo la’aanta ahayd ayuu ficilkoodii fashiliyey oo dibedda u soo saaray, markay la shireen shaqona la bilaabeen xisbiyo yidhi doorasho noo gaar ah ayaanu qabsanaynaa. Maadaama sadexdii xisbi ku kala aragti duwanaadeen arrimihii doorashada; oo magaca ay sharci ahaan sitaan ee ah Komishanka doorshooyinka qaranka (National Electoral Commission) ka run sheegayaan; oo in uun ay yihiin dad damiir dhexdhexadnimo ku jiro; waxay odhan lahaayeen anagu komishan qaran baanu nahay wax aad heshiis ku tihiin oo aanu idiinku shaqayno saddexdiina xisbi noola kaalaya.
Hase yeeshee waa kuwaa WADDANI u markhaati furay ee caddeeyey in aanay ahayn komishan qaran ee ay yihiin komishan Xisbul Xaakimka ka amar qaata; Allaylahe hadday sii go’een. Ma kuwa fikir xisbiyadu ku kala duwanaaday dhex ka noqon waayey ee dhinac hor kala saftay ayaa doorashada dhex ka noqonaaya? ciddii aan jibo kale haynin ee qiimaynaaya ficilkaa nimaankaasi ku dhaqaaqeen jawaabtoodu waa maya maya maya oo dhex ka noqon maayaan.
Adam Ali Younis
aayonis@hotmail.com