Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.
Wasiirka arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahinwaa nin aad u geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale oo fara badan, waa nin waaya aragnimo wanaagsan u leh sida shaqada maamulka loo qabto, isaga oo Wasiir hore uga soo noqday dawladihii hore ee Somaliland, imikana ahWasiirka arrimaha gudaha, runtii khibradiisa dheer way dhex muuqata hab u maamulka amniga dalka iyo sida u dalka yahay maanta,wasiir maxamed kaahinwaa nin ay ku dheertahay Somalilandnimadu kana hor yimaada cadowga somaliand,kaahinwaa geesi, cadowgu ka baqo, oo aan dhici Karin, cid dalka uga lexejeclo badani oo aad iyo aad u yartahay.
Isku soo wada duuboomaxamed kaahinwuxu hantay taageerada shicibka Somaliland waxaanuu ka mid yahay sababta shicibka Somaliland u siiyeen taageeradooda xisbiga Kulmiye, shicibkaas oo inta badan kala degan dhamaan Somaliland gaar ahaan deegaanka gobolada Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal iyo togdheer waana asbabaha uu xisbiga kulmiye ku guulastay doorashadi madaxnimadda .
wasiir maxamed kaahin wuxu mar walbaa ogaa in u guushu daba socoto madaxweyne MuuseBiixi, waana sababta uu mar walba warbaahinadda ka sheegi jiray hadala waaqica raacsan in ay ciyaartu wakhti leedahay oo ay guushu timaado, ,wasiir maxamed kaahin waa nin daacad ah siyaasada xisbiga iyo dalka iyo dadkaba waa tiir dhexaadka Somaliland, markaa la eego taageerayaasha uu haysto waxaa odhan karaawasiir maxamed kaahin waa rukunada mustaqbaleed ee ictiraafka somaliland , ee maaha nin la adeegsado , waa nin mawqif leh.
Qore khadar ibrahim