Dawladda Soomaaliya ayaa amartay in ganacsade Mustafe Cabdi Indho-deero uu la wareego lahaanshaha maxjarka xoolaha ee Berbera, kaasi oo ay wada lahaayeen ganacsade kale oo u dhashay dalka Sucuudiga.
Documentiyo kasoo kala baxay Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ganacsadaha reer Sucuudi uu mulkiyadda maxjarkaasi ku wada wareejiyo Indho-deero.
Documentiyada aan helay waxaa ku saxeexnaa, Wasiirka ganacsiga iyo Warshedaha Maxamed Xayir Maareeye iyo Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mustafe Aadam Dagaal.
Xigasho
Khaalid Foodhaadhi
Karin News
Hargeysa