Xukumada Muuse Biixi ayaa xabsiga ku tuurtay xalay Agaasimiha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen warsame
Sidoo kale waxay xabsiga dhigtay Saaka Agaasimaha Maamulka lacagta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Xasan maxamed maxamuud
Labadan masuul ayaa la sheegay inuu xadhigooda ku lug leeyahay Wasiirka warfaafinta Guri-barwaaqo oo dalbaday in hantidhawr la geliyo,maadaba labadoodaba uu ku tuhunsan yahay Musuqmaasuq,Wax-isdabamarin & Lunsasho Hanti Qaran.